Somaliland oo beenisay inay ogolaatay martigelinta saldhigyo Isreal & qaxooti Falastiiniyiin ah.

2 January, 2026

Maamulka Somaliland ayaa si cad u beeniyey eedaymaha sheegaya inay ogolaatay martigelinta xarumo militari oo Israa’iil…

Maamulka Somaliland ayaa si cad u beeniyey eedaymaha sheegaya inay ogolaatay martigelinta xarumo militari oo Israa’iil leedahay iyo inay dib u dejiso Falastiiniyiinta laga soo barakiciyay Gaza, si maamulka Isreal u helo aqoonsi buuxa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in heshiiska Isreal uu ahaa mid diblomaasiyadeed oo si buuxda loo sameeyay waafaqsanna shuruucda caalamiga ah.

Jawaabta Somaliland ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan u sheegay Al Jazeera in Somaliland ay aqbashay saddex shuruudood oo ka yimid Israa’iil sida, Dib-u-dejinta Falastiiniyiinta, aasaaska saldhig milatari oo ku yaal xeebta Gacanka Cadan iyo ku biirista Heshiisyada Abraham si loo caadiyeeyo xiriirka Israa’iil.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegaya in Yuhuuddu ay ciidamo sirdoon ah ka hawlgelin doonto deegaamo katirsan maamulka Somaliland, xilli ay dhawaan ku dhawaaqeen inay maamulkaasi u aqoonsadeen dowlad ka madax-banaan Somalia inteeda kale.