Somaliland oo beenisey in ciidamo shisheey joogaan degmada Saylac.

26 January, 2026

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u beenisay warbixin ay baahisay Warbaahinta Al Arabia, taasi oo…

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u beenisay warbixin ay baahisay Warbaahinta Al Arabia, taasi oo tibaaxaysay in ciidamo aan ahayn ku Somaliland ku sugan yihiin magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan jirin ciidamo shisheeye oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, ayna dhammaan Ciidamada ku sugan deegaamadaasi yihiin kuwa Somaliland,

“Ma jiraan wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, mana jiraan wax ciidan ah oo halkaas jooga marka laga reebo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland”, Ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland ayaa ugu baaqday warbaahinta caalamka in ay hubiyaan xogtooda ka hor inta aysan baahin warar ay sheegtay in ay khalad iyo marin-habaabin ku yihiin amniga iyo xasilloonida dalka.