Somaliland oo bilowday dedaalada nabadda ee Ceerigaabo.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa bilaabay dedaalo nabadood oo lagu doonayo in lagu xalliyo colaaddii ka…

30 September, 2025

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa bilaabay dedaalo nabadood oo lagu doonayo in lagu xalliyo colaaddii ka dhacday degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Waftuud dhaqan oo ka socota deegaamo katirsan Puntland iyo Somaliland ayaa gaarey Magaalada Ceerigaabo, iyagoo sheegay inay qayb ka noqon doonaan dedaalada nabadda Ceerigaabo, si loo soo celiyo nabaddii iyo wadanoolaanshihii bulshooyinka.

“Waa ku faraxsanahay inaan isugu imaano nabaddii Madaxweyne Cirro dhigay Ceerigaabo, cidda dhimmanna waa ku soo biiri doontaa, wixii dhacay shaydaan ayaa ka abyooday, waxaana rajaynaynaa in nabad laysugu soo laabto”. Ayuu yiri mid kamid ah cuqaasha gaartey Ceerigaabo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ayaa horay u sheegay inay ka go’antahay sidii bulshada Ceerigaabo ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo ku qanacsanaan hanaanka maamulkooda iyadoo aan cidna ku khasbin.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhankiisa Magaalada Laascaanood horay ugaga dhawaaqay inaysan nabad ka qaadan doonin arrinta Ceerigaabo ayna kamid ah deegaamada uu maamulkaasi ka arrimin doono.