Maamulka Somaliland ayaa kumanaan askari ku soo bandhigtay duleedka degmada Oog ee gobolka Sool, xilli Madaxweynaha…

Maamulka Somaliland ayaa kumanaan askari ku soo bandhigtay duleedka degmada Oog ee gobolka Sool, xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan yahay magaalada Laascaanood.
Taliyaha guud ee ciidanka maamulka Somaliland oo hadal adag ka jeediyay munaasabada, isagoo sheegay in Sool ay tahay dhul Somaliland ka tirsan, ayna maanta ku diyaariyeen gobolkaasi 6,000 askari sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu safarkii madaxweynaha Somalia ee Laascaanood ku sheegay mid dhuumasho ah oo aan wabxa ka bedeli doonin madax-banaanida, joogitaanka iyo qorshaha Somaliland ee guud ahaan gobolka Sool.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa habeenimadii xalay booqashada madaxda dowladda federaalka ee ku sugan Laascaanood, ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida Somaliland.



