Xukuumadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhimsaha maamulka Waqooyi Bari Somalia ee ay 30-kii July…

Xukuumadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhimsaha maamulka Waqooyi Bari Somalia ee ay 30-kii July 2025 dowladda Soomaaliya kaga dhawaaqday Magaalada Laascaanood.
Shir aan caadi ahayn oo golaha xukuumadda Somaliland ku yeesheen Magaalada Hargaysa ayey kaga dhawaaqeen in xukuumadda Somalia ay ku soo duushey deegaamo katirsan Somaliland, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay xukuumadda Cirro.
“Xukuumadda Muqdisho iyadoo ku fashilantay waajibaadka ka saaran dib u dhiska iyo nabadaynta gudeheeda waxay hadda raadinaysaa gabbaad siyaasadeed oo ay ku mashquuliso indhaha dadkeeda iyo beesha caalamka oo dedaal gelisey dibu-dhiska Somalia, waxayna dhaqaalihii la siiyey gelinaysaa colaad ay ka huriso Somaliland”, Ayaa lagu yiri war-saxaadeedka Somaliland.
Somaliland ayaa intaas ku dartay in dowladda Somalia ay xuduud qabiileed ka dhex abuurayso deegaamadaasi isla markaana ay arrintaasi sababi karto colaad iyo dhibaatooyin daba-dheeraada.



