Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in si adag loola xisaabtami doono qof kasta oo lagu qabto…

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in si adag loola xisaabtami doono qof kasta oo lagu qabto isaga oo waxyeeleynaya muwaadin Itoobiyaan ah kaddib dhacdo ay dhalinyaro reer Somaliland ahi weerar ku qaadeen dhalinyaro Itoobiyaan ah oo ku sugnaa magaalada Hargeysa. Inkastoo weerarkaas aanu sababin wax khasaare culus ah haddana waxa uu ku soo beegmay xilli magaalada ay ku sii badanayaan dadka Itoobiyaanka ah ee soo galaya.
“Itoobiya iyo Somaliland waa laba dal oo walaalo ah, wax colaad ahi kama dhaxayso. Itoobiya waxa ku nool qoysas badan oo reer Somaliland ah oo si sharci ah ku jooga, sidoo kale Somaliland waxa ku nool dad badan oo Itoobiyaan ah oo sharci ku jooga” ayuu yidhi afhayeenka booliiska Somaliland Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dadka ku jooga Somaliland si sharci darro ah ay arrintoodu u taallo hay’adaha dowladda ee ay khusayso balse aan la aqbali doonin in muwaadin shacab ah gacanta ku qaato fulinta sharciga. Wuxuu uga digay dhalinyarada isku dayaysa inay weeraraan Itoobiyaanka inay joojiyaan ficilladaas sharci darrada ah isagoo ku hanjabay in cid kasta oo lagu qabto ay mutaysan doonto ciqaab adag.
Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin bulshada dhexdeeda ah iyadoo dad badan oo reer Somaliland ah sheegeen in ficillada dhalinyaradaasi yihiin kuwo aan Somaliland lagu aqoon.
Somaliland ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay degaan dadka Itoobiyaanka ahi gaar ahaan Oromada waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay xasilloonida iyo fursadaha ganacsi ee ay ka helaan. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan ku wargelisay Itoobiyaanka aan haysan sharci joogitaan in ay tagaan xarumaha dowladda si ay u helaan rukhsadaha sharci ee dalka lagu joogo.



