Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo khudbad ka jeedinayey furitaanka fadhiga golaha guurtida Somaliland ayaa safarkii RW…

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo khudbad ka jeedinayey furitaanka fadhiga golaha guurtida Somaliland ayaa safarkii RW Xamse ku tilmaamay hurin colaadeed iyo weerar qaawan oo ay Somalia ku soo qaadday Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa markale ka hadlay booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia Xamse Cabdi Barre ku yimid magaalada Laascaanood ee xarunta SSC KHATUMO.
“Somaliland waxay beesha caalamka ku wargelisey in imaatinka wasiirka 1aad ee Somalia uu yahay xad gudub qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Somalia ku soo qaadday si ay u wiiqdo dedaalada nabadaynta ee Somaliland waddo”, Ayuu yiri Cirro.
Dhanka kalena, Madaxweyne Cirro ayaa ku wargeliyey wadamada deriska ah in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto dedaalada nabadda gobolka, haseyeeshee ay laashay wada xaajoodyadii ay lalahay DFS.