Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadayso cidksasta oo ay ku caddaato inay…

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadayso cidksasta oo ay ku caddaato inay ka qaybqaadatay beegsiga dadka Itoobiyaanka ah gaar ahaan qoomiyadda Oromada ee ku sugan Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in falalka lagu beegsaday ajaaniibta aysan waafaqsanayn siyaasadda Somaliland, isla markaana aan loo dulqaadan doonin.
“Falalka lagu beegsaday ajaaniibta ee ka dhacay Boorame waxa ay liddi ku yihiin Somaliland, mana u dulqaadanayno, waxaan tallaabooyin adag ka qaadaynaa ciddii falkaas samaysay, dadka ajaaniibta ah dhulkayaga waxay ku leeyihiin xuquuq lamana eryi karo.” Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Barkhad Jaamac Batuun.
Dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Mooyaale ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sababay kacdoon ka dhan ah dadka ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee ku sugan qaybo kamid ah dhulka Soomaalida, iyadoo lagu eedeeyey inay duullaan ku yihiin dhulka Soomaaliyeed.




