Somaliland oo ka baxday wada-hadalladii Turkiga ee Soomaaliya

18 April, 2025

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ayaa la sheegay inay ku dhawaaqday inay ka baxday wada-hadalladii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Turkigu taageerayey, iyadoo sababta degdegga ah go’aankaas u cuskatay socdaal uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ku tagay magaalada Laascaanood.

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Somaliland, kaas oo ku tilmaamay safarkaasi mid daandaansi ah oo sharci darro ah iyo xad-gudub ku ah waxa gobolku u arko madax-banaanida dhuleed.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse aan aqoonsi caalami ah ka helin, ayaa ka qayb-qaadanaysay wada-hadallo muddo dheer soo socday oo Turkigu dhexdhexaadinayey, kaas oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafkii ulla dhexeeyay dawladda Faderaalka.

Aqoonsiga maamulka Khaatumo oo sii kordhinaya xiisadda
Booqashada Xamse Barre ee Laascaanood 12-kii April ayaa ku soo beegantay laba maalmood uun ka hor markii ay Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo inay tahay maamulkii lixaad ee federaalka, iyadoo Laascaanood loo aqoonsaday inay noqoto caasimadda.

Tallaabadan ayaa sii xoojisay xiisadda, iyadoo deegaanka ay weli isku haystaan ​​ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo 933 KM u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa muddo dheer ahayd goob ay isku horfadhiyaan ciidamo taabacsan SSC-Khaatumo iyo ciidamada Somaliland ee gooni-goosadka ah.

Gobolka waxaa ka dhacay bilo dagaallo xooggan 2023, kaasoo galaaftay boqolaal dhimasho ama dhaawac ah.

Somaliland oo hore u ahaan jirtay maxmiyad ingiriis ah, waxay xornimadeeda qaadatay 1960-kii balse maalmo ka dib waxay ku biirtay Soomaaliya.

Sannadkii 1991-kii ayay ku dhawaaqday inay ka go’day dalka intiisa kale, kaddib markii ay dagaal kula jirtay dowladdii milateriga ahayd, balse ma aysan helin wax aqoonsi ah oo caalami ah.

Qoraalkeeda, Somaliland waxa ay Soomaaliya ku eedaysay “inay si badheedh ah ugu xad-gudbtay xuduudaha dhuleed ee Somaliland,” iyada oo intaa ku dartay in ficillada Muqdisho ay muujinayso “ diidmada nabadda, diblomaasiyadda, iyo hab-dhaqanka sharciga ah.”

Dadaalka dhexdhexaadinta Turkiga ee Geeska Afrika
Turkigu waxa uu door muuqda ka qaatay fududaynta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Joojinta wadahadalada ayaa dib u dhac ku ah hindisaha ballaaran ee nabadeed ee Ankara ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, Turkiga wuxuu dhexdhexaadin ka dhex waday Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dariska yihiin.

Xiisadda ayaa soo shaacbaxday 1-dii Jannaayo kadib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah la gashay Somaliland oo ku saabsan in badda cas laga soo galo Dekedda Berbera.

Heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in si wadajir ah la isaga kaashado dhanka dhaqaalaha iyo amniga, waxaana dowladda Soomaaliya ka dhashay diidmo xooggan oo heshiiskaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah midnimada dhuleed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay ku kulmay Addis Ababa ka dib habraacii Ankara, taasoo muujineysa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee go’naa muddo sannad ka badan.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday war-murtiyeed laga soo saaray in labada dal ay dib u soo celin doonaan xiriirkii diblomaasiyadeed ee buuxa, tallaabadaas oo loo arkay mid muhiim u ah xasilloonida gobolka Geeska Afrika.