Somaliland ayaa shaacisay bilowga geeddi-socodka soo saarista shidaalka, kaddib markii xukuumaddu ku dhawaaqday qorshe rasmi ah…

Somaliland ayaa shaacisay bilowga geeddi-socodka soo saarista shidaalka, kaddib markii xukuumaddu ku dhawaaqday qorshe rasmi ah oo ku aaddan bilaabista qodista shidaalka qaydhiin ee dhulka Somaliland. Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo dhinaca khayraadka dabiiciga ah ah, taas oo muddo dheer la sugayay.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in qodista shidaalka ay si rasmi ah u bilaabmi doonto muddo laba sano gudahood, isagoo rajo weyn ka muujiyay in sannadka 2027 uu noqdo xilliga la bilaabo hawlgalka qodista. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibadda Carwada Macdanta Somaliland oo ka dhacday magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in haddii hawlaha farsamo iyo maamul si degdeg ah loo dardargeliyo, ay suuragal tahay in qodista shidaalku ay bilaabato ka hor waqtiga la qorsheeyay, gaar ahaan sannadka 2026. Wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ka go’an tahay inay dedejiso dhammaan tallaabooyinka suuragelinaya arrintan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay khayraad dabiici ah oo isugu jira macdan iyo shidaal, isla markaana goobaha intooda badan hore loo ogaaday, taas oo fududeynaysa in si habsami leh looga faa’iidaysto. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrintani ay fursad weyn u tahay horumarka dhaqaale iyo shaqo abuurka dalka.
Madaxweyne Cirro ayaa ku dhiirrigeliyay maalgashadayaasha caalamiga ah inay yimaadaan Somaliland si ay u maalgashadaan khayraadka dabiiciga ah, isagoo xusay in xukuumaddu diyaarisay kaabeyaal sharci iyo amni oo u sahlaya maalgashiga. Baadhista shidaalka Somaliland ayaa socotay in ka badan toban sano, waxaana hore loo shaaciyay in la helay ceelal shidaal oo diyaarsan una baahan qodis rasmi ah.



