Somaliland oo ku dhawaaqday in shacabkeeda lagu dhibi doonin E-visa.

15 November, 2025

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in shacabka Somaliland aan mar dambe lagu xannibi doonin fiisaha E-visa…

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in shacabka Somaliland aan mar dambe lagu xannibi doonin fiisaha E-visa ee dowladda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in arrintaasi ay si rasmi ah u dhammaatay shalay ka dib dadaallo ay sameeyeen wasaaradaha khuseeya. Mas’uuliyiin heer wasiir ah oo loo xilsaartay arrimaha hawada ayaa sheegay in qof kasta oo u safraaya Somaliland aan laga weydiin doonin fiisaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay inay wada-hadallo la yeesheen dalal badan iyo hay’adaha caalamiga ah, islamarkaana ay u caddeeyeen in Soomaaliya aanay wax maamul ah ku lahayn hawada Somaliland. Wuxuu xusay in Ururka IATA uu aqbalay in Somaliland leedahay awood buuxda oo ay ku maamuli karto hawadeeda iyo madaarradeeda.

Sidoo kale, Wasiirka Duulista Fu’aad Axmed Nuux ayaa shaaciyay in nidaamkii e-visa ee Soomaaliya ay ku soo rogtay dadka u socda Somaliland uu shalay ku ekaaday, islamarkaana qof kasta oo imanaya Somaliland uu dal-ku-galka toos uga qaadanayo madaarrada Hargeysa iyo Berbera. Wuxuu sheegay in isku dayadii Soomaaliya ay ku doonaysay inay cadaadis ku saarto Somaliland – sida qabashada fiisaha iyo mamnuucidda Taiwan – ay dhammaantood fashileen.

Xukuumadda Somaliland ayaa intaas ku dartay inay weli wado dadaal ay si buuxda ula wareegto maamulka hawada, isla markaana ay sii wadi doonaan dhismaha shuruucda loo baahan yahay. Wasaaraddu waxay sheegtay in laga bilaabo 10-kii November diyaaradaha maraya hawada Somaliland ay amar buuxa ka qaadanayeen Hargeysa, taasoo ay ku tilmaameen guul diblomaasiyadeed.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrinta fiisaha, iyadoo Safaaradda Mareykanku ay shaacisay in nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya la jabsaday oo xogtooda laga xaday ku dhowaad 35,000 ruux. Soomaaliya hore ayay u sheegtay in e-visa-ha cusub uu muhiim u yahay amniga qaranka, isla markaana uu khuseeyo dhammaan dadka u safraya gudaha dalka, oo ay Somaliland ku jirto.