Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay dhismaha maamulka Waqooyi…

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee lagaga dhawaaqay Magaalada Laascaanood iyo dhaqdhaqaaqyada ay DFS ka waddo gobolada Sanaag, Sool iyo Awdal.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KAAH Somaliland kana mid ah saaxiibada ugu dhaw ee Madaxweyne Cirro, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa cambaareeyey waxa uu ugu yeeray faragelin ay dowladda Somalia ka waddo dhul uu sheegay inay leedahay Somaliland.
Waxa uu sheegay inaysan Somaliland DFS la geli doonin dagaal xabadeed haseyeeshee ay ku qaadi doonto mid siyaasadeed iyadoo xilka madaxweynenimo dhaafin doonta madaxweynaha xilligaan xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud.
“Gacan tobnaad ayaan ku aargoosan naqaan, Xasan shiikh wuu arki doonaa raggaanu nahay, dagaalku Sool ka jiri maayo, wuu arki doonaa markaanu kursiga waddo ka marinno”, Ayuu yiri Maxamuud Xaashi Cabdi.



