Somaliland oo laga qaadacay Visaha dalku-galka ee ay soo rogtey dowladda Somalia.

Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ayaa qaadacay tallaabooyinka ay dowladda Somalia ku hirgelinayso hanaanka…

9 September, 2025

Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ayaa qaadacay tallaabooyinka ay dowladda Somalia ku hirgelinayso hanaanka cashuuraha E-visa ee la dul-saaray muwaadiniinta iyo ajaaniibta doonaysa inay soo galaan dalka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KAAH Maxamuud Xaashi ayaa ku eedeeyey DFS inay dadka sifo sharci darro ah ku siinayso Visaha dalku-galka inta aysan soo gelin deegaamada maamulka Somaliland ka arrimiyo, isagoo ku sifeeyey tallaabo xad gudub ku ah shuruucda dalka iyo caalamka.

”Maamulka Xamar ee Xasan Sheekh iyo isku-dayga musuq-maasuqa ah ee ay ku doonayaan inay dadka safarka ah si sharci-darro ah ugu qasbaan inay bixiyaan lacagta fiisaha ka hor inta aanay soo gelin Somaliland, waa xad-gudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland iyo shuruucda caalamiga ah”.Gudoomiyaha Xisbiga KAAH,Maxamuud Xaashi Cabdi

Qorshahaan oo DFS ku doonayso in dadka imaanaya dalka ay Visaha dalku-galka ku qaataan hab Online ah lacagtuna ku dhacayso akoomada dowladda, iyadoo aysan qoondo kuyeelan maamulada dalka oo qaybo kamid ah ay ka degayaan dadka laga qaadayo dhaqaalahaasi, Ayaa waxaa horay u qaadacday xukuumadda Puntland.