Somaliland oo Mas’uuliyiin u soo magacday Magaalooyin Puntland katirsan.

14 December, 2025

Xukuumadda Somaliland ayaa mas’uuliyiin cusub u soo magacawday deegaamo katirsan gobolka Sanaag oo ay xilligaan ka…

Xukuumadda Somaliland ayaa mas’uuliyiin cusub u soo magacawday deegaamo katirsan gobolka Sanaag oo ay xilligaan ka arrimiso gacanta ku hayso xukuumadda Puntland.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda dowladdaha hoose ee maamulka Somaliland ayaa guddoomiyayaal degmo loogu soo magacaabay degmada Badhan oo xilligaan leh guddoomiye iyo gole deegaan Puntland ah oo shacabku soo doorteen.

Dhanka kalena, xukuumadda Somaliland ayaa guddoomiye degmo u soo magacawday Magaala xeebeedda Laasqoray oo ay gacanta ku hayso Puntland muddooyinkii dambena la qorshaynayey in laga sameeyo saldhig ciidan.

Xukuumadda Puntland ayaan weli ka hadlin tallaabada ay qaadday Somaliland, xilli uu muddooyinkii dambe wanaagsanaa xiriirka siyaasadeed ee labada dhinac ayna kala saxiixdeen heshiisyo dhanka ammaanka iyo wadashaqaynta ah.