Somaliland oo shaacisay ahmiyadda heshiiskii ay lagashay Puntland.

8 October, 2025

Maamulka Somaliland ayaa markale ka hadlay unkamidda xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Puntland, kadib…

Maamulka Somaliland ayaa markale ka hadlay unkamidda xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Puntland, kadib heshiis dhawaan labada dhinac ku dhexmaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Khadar Looge Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in is-afgaradkii dhexmaray labada dhinac uu lee yahay istaraajiyado amni oo durugsan iyo miisaan diblumaasiyadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Looge, waxa uu sheegay in heshiisku ahmiyad weyn u leeyahay qaranimada Somaliland, kana xeeldheeryahay sida uu u fahmi karo ruux aan waxbadan ka aqoon istaraatijiyadaha dowladnimada.

“Heshiiska ay Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Dawladda Puntland, waxa uu leeyahay istaraatijiyado amni oo fog, iyo miisaan diblumaasiyadeed oo xoojinaya doodda aqoonsiga iyo garawshiyaha qarannimada aynnu dunida uga rabno; wey ka xeeldheertay wax uu fahmi karo ruux aan wax badan ka aqoon istaraatiijiyadaha dowladnimo”, Khadar Looge Wasiirka Madaxtooyada Somaliland