Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta ku dhigtay hub culus oo la soo geliyey…

Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta ku dhigtay hub culus oo la soo geliyey deegaamadeeda, iyadoo xustay tuhunka la xiriira inay arrintaasi ku lug leeyihiin dowlado shisheeye.
Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliland Cabdala Maxamed Carab ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanku lagu qabtay hubkan iyo shaqsiyaad la tuhunsan yahay inay soo geliyeen Somaliland oo baaritaan lagu wado.
Wasiirka ayaa sheegay inay wadaan baaritaan dheeraad ah oo lagu ogaanayo halka uu hubku ka yimid, cidda maalgelisay, iyo sida uu ku soo galay gudaha Somaliland, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in shabakadaha qaar baxsadeen.
“Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa nooca hubka la qabtay, waddamada ku lugta leh iyo cidda fududeysay gelitaankiisa”, Ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Somaliland.



