Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta ku dhigtay shabakad abaabulan oo ay deegaamadeeda ku…

Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay gacanta ku dhigtay shabakad abaabulan oo ay deegaamadeeda ku diyaarisay dowladda federalka ah ee Somalia, si ay falal ammaan xumo uga abuurto Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulak Somaliland Cabdalle Maxamed Carab, oo warfidiyeenka kulan hadlay Hargiesa ayaa sheegay in inta badan kooxdaasi gacanta lagu dhigay inta dhimmana lagu raad joogo.
“Waxaa la abuuray shabakad Somaliland ka soo jeedda oo la adeegsanaayo, shabakaddaas ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay qaar waa xiran yihiin, qaar baadhitaan ayaa ku socda, kuwana waa la daba socdaa, waa shabakad cadawgu soo maleegey oo Somalia ka dambayso”, Ayuu yiri Wasiir Cabdalle Maxamed Carab.
Wasiirka ayaa intaas ku daray kooxdaasi iyo cidkasta oo waxyeelaynaysa ammaanka deegaamada Somaliland ay gacanta ku soo dhigi doonaan lana horgeyn doono hay’adaha caddaaladda Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa lagu qaadi doonaa sharciga Somaliland u yaal ee ay golayaasha dowladdu meelmariyeen, wax sharci darro ah cidna laguma xukumi doono, ciidanka ammaanka kama nabad-gelayaan nin kasta oo qarannimadiisa, dowladnimadiisa iyo ubadkiisa shilimaad siisanayaa, ninkasta oo shaar mucaarad ama xisbi ku gabbanaaya loo dulqaadan doono”, Ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland.



