Somaliland oo shaacisay inay socdaan wadahadalo lagu siidaynayo Maxaabiista ku xiran Laascaanood.

9 November, 2025

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaadday inay socdaan wadahadalo iyo dedaalo lagu doonayo…

Musharrax Cirro

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaadday inay socdaan wadahadalo iyo dedaalo lagu doonayo in lagu siidaayo ciidamada Maamulkaasi kaga xiran Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Somalia.

Wasiirka wasaaradda gaashaan dhigga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali, oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay inay dedaal walba ku bixin doonaan sidii ciidamadaasi loo sii dayn lahaa ayna jireen wada-hadalo uusan carrabaabin cidda garwadeenka ka ah.

“Maxaabiista process ayaa socda, dowladdu waxay diyaar u tahay waddo kasta oo maxaabiistaa lagu siidaynayo waddooyin badana hadda waa furan yihiin oo aanan ka hordhacayn”, Ayuu yiri wasiir Ilka-case.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqashadiisa Laascaanood shuruud uga dhigay in maamulka Waqooyi Bari sii daayo Maxaabiista reer Somaliland, taasi oo sababtay in Madaxweyne Firdhiye Magacaabo guddi wada xaajood.