Somaliland oo shaacisay xilliga MW Cirro booqanayo Israel.

25 February, 2026

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa la filayaa inuu daboyaaqada bisha March ee fooda innagu…

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa la filayaa inuu daboyaaqada bisha March ee fooda innagu soo haysa uu socdaal rasmi ah ugu boqooli doono Israel oo horay u aqoonsatay Maamulka Somaliland.

Qoraal rasmi ah oo lagu daabacay barta Facebook ee Telefishinka ku hadla afka Somaliland oo soo xiganaya majalad ka soo baxda Israel ayaa lagu sheegay in safarkaan oo noqonaya kii ugu horeeyey hordhac u yahay xoojinta xiriirka labada dhinac.

“Socdaalkan ayaa noqon doona kii u horreeyay ee rasmi ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tago dalkaasi, Iyadoo Madaxweynuhu uu booqasho ceelalyo ahayd uu hore ugu tagay Israel, taasi oo wada-hadalladii uu la soo yeeshay ay Somaliland u horseedeen aqoonsiga dalkaasi siiyay Somaliland bishii December 2025. Waxaanay wada xaajoodyadaasi dhiddibada u taageen iskaashiga labada dal yeesheen”, Ayaa lagu yiri qoraalka.