Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee…

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ku yimid magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Hargaysa ayaa sharci darro ku tilmaamay safarka RW Xamse, wuxuuna sheegay in Mas’uuliyaddiisa ay qaadayso DFS.
โSafarka Mas’uuliyad daraddu ka muuqaato ee Raysal Wasaaraha Soomaaliya ku yimid qaybo kamid ah Somaliland, wixii khasaare ah ee ka yimaadda waxaa qaadi doonta ciddii soo dirtay”, Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Dhanka kalena, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu dib u habayn ku wado ciidanka maamulka Somaliland isla markaana ay wadaan hagaajinta hubkii waaweynaa iyo dibu qorshayn ciidan.