Taliye u hadlay ciidamada Somaliland ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Boorama ay…

Taliye u hadlay ciidamada Somaliland ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Boorama ay ka dambeeyaan “gacan saddexaad” oo uu sheegay inay gudaha magaalada ku sugan yihiin, ayna dadka meel fog ka toogsanayeen. Sirdoonka iyo ciidamadu, ayuu sheegay, waxay heleen xog muujinaysa in rag ku hubaysan qoriga isnaybarka ay door ku lahaayeen dhimashada iyo dhaawaca shacabka maalmahii rabshaduhu socdeen.
Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdille, oo afka ciidanka u hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inaanay suurtagal ahayn in ciidanka Somaliland ay si ula kac ah u beegsadaan bulshada rayidka ah. Waxa uu xusay in ciidamada qaranku ay mar walba u taagnaayeen difaaca shacabka, ayna tahay wax aan la aamminsan karin in ay iyagu bartilmaameedsadaan dadka reer Awdal iyo Salal, oo uu ku tilmaamay kuwa ugu dhow ciidamada.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay socdaan baaritaanno ku saabsan eedaha ku saabsan dadka “sheedda ka tooganayay” shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la isticmaalay qoryaha isnaybarka, isla markaana warbixinno isdaba joog ah ay ciidamadu daba socdaan. Waxa kale oo uu tacsi u diray ehelada dhallinyaradii ku dhimatay rabshadihii Boorama, isaga oo sheegay in ciidanka militarigu u diyaariyay dhakhaatiir, dawooyin iyo gaadiid caafimaad oo gurmad u fidinaya dadka dhaawaca ah.
Gaashaanle Cabdille waxa uu shacabka gobollada Awdal iyo Salal ugu baaqay inay nabadda ilaashadaan, isaga oo tilmaamay inay ahaayeen tiir-dhexaadka Somaliland tan iyo aas-aaskeedii. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ayaan soo bandhigin wax caddeyn ah oo rasmi ah oo muujinaysa in gacan saddexaad qayb ku lahayd dhacdooyinkii khasaaraha geystay, mana jiro qof loo soo qabtay arrintan, halka dadka degaanku ay marar badan arkeen ciidamo rasaas u adeegsanaya shacabka intii ay rabshaduhu jireen.



