Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland si rasmi…

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland si rasmi ah u dhaqan gelisay amarro hore oo ku saabsan duulimaadyada iyo isticmaalka hawada dalka, kuwaas oo looga jawaabayo nidaamka E-visa ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelisay bilowgii September.
Wasiirka ayaa sheegay in 10ka bishan ay dhaqan galeen amarrada dhigaya in aan hawada Somaliland marin karin diyaarado aan ogolaansho ka haysan maamulka duulista Somaliland. Wuxuu tilmaamay in dhammaan diyaaradaha hawada Somaliland maraya lala sameeyay xiriir toos ah si loogu wargeliyo awaamiirtaas, isla markaana qaar badan ay ka soo jawaabeen.
Fu’aad Axmed Nuux ayaa sheegay in diyaaradaha diida ama aan u hoggaansamin amarradaasi laga leexin doono hawada Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in nidaamkooda isgaarsiineed uu si buuxda u shaqeynayo, taas oo u saamaxaysa in ay la xiriiraan diyaaradaha ku sugan hawadooda si toos ah iyo waqti kasta.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in Somaliland ay qaadi doonto tallaabooyin sharciga waafaqsan haddii diyaarado qaarkood diidaan fulinta awaamiirta.
Wuxuu sheegay in aan lagu soo geli karin dhulka, cirka ama badda Somaliland iyadoo la adeegsanayo E-visa ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu xusay in cid kasta oo dalka ku soo galaysa ay khasab ku tahay inay qaadato dal-ku-galka Somaliland.



