Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay 25 kamid ah ciidankeeda oo laga sii daayey…

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay 25 kamid ah ciidankeeda oo laga sii daayey xabsiga magaalada Laascaanood ayna la wareegeen Mas’uuliyiinta ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia.
Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay inaysan jirin wax wada-xaajood ah oo lagala yeeshay arrimaha maxaabiista, iyadoo xubnaha la sii daayey ku tilmaantay kuwa aan dagaal lagu qaban.
Dhanka kalena, Somaliland ayaa sheegtay inay aqbalayso isweydaarsi maxaabiiseed haddii ay garwadeen ka noqonayso Hay’adda Bisha-cas oo ka shaqaysa arrimaha bini’aadanimada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa dhowaan ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ka shaqaynayso jeexidda dhabbe nabadeed oo labada dhinac ah, si maxaabiista laysu weydaarsado.



