Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala maamulka Somaliland ayaa wada qorshe ay ku wadahadlayaan…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ku matala maamulka Somaliland ayaa wada qorshe ay ku wadahadlayaan dowladda federalka ah ee Somalia iyo maamulka Somaliland.
Qorshahaan ayaa la sheegay in madaxtooyada Somaliland aqbashay inay ogoshahay haddii loo wada hadlayo Waqooyi iyo Koonfur iyadoo meesha laga saarayo dowlad Soomaaliyeed, sida uu sheegay lataliye sare oo ku sugan Hargaysa.
Somaliland waxay doonaysaa in wadahadalka lagu saleeyo xuduudihii gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga kahor inta aysan midoobnin labada gobol sanadkii 1960 oo Somalia xornimadeeda ka qaadatay dalalka reer Yurub.
Aqoonsigii Somaliland ka heshay Isreal oo abuuray dood diblumaasiyadeed ayaa falanqeeyayaasha qaar aaminsan yihiin inuu sababi karo gooni-goosad raadiska maamullo horleh haddii aysan dowladda Somalia la imaan qorshe loo soo afmeerayo tafaraaruqa gudaha.




