Somaliland oo si rasmi ah u qaabishay Danjiraha Israa’iil, Michael Lotem

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Danjiraha Israa’iil u qaabilsan…

1 November, 2026

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, isaga oo ka guddoomay warqadaha aqoonsiga diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Cirro ayaa soo dhaweeyay danjiraha, isaga oo sheegay in Somaliland ay doonayso inay Israa’iil la yeelato xiriir ku dhisan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara. Waxa uu tilmaamay in iskaashiga labada dhinac uu fursado ka abuuri karo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, amniga, difaaca, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo, gaar ahaan marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo sheegay in iskaashiga labada dhinac uu qayb ka qaadan karo nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Dhankiisa, Danjire Michael Lotem ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta, isaga oo sheegay inay sharaf u tahay inuu Israa’iil ku metelo Somaliland. Waxa uu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono horumarinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, ganacsiga, maalgashiga, caafimaadka iyo waxbarashada.