Somaliland oo siideysey qaar kamid ah maxaabiistii Gooja-cadde.

29 April, 2025

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ayaa markii ugu horraysay xabsiga ka sii daysay qaar…

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ayaa markii ugu horraysay xabsiga ka sii daysay qaar kamid ah maxaabiistii 2023 lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool.

Maxaabiistaan oo tiradoodu gaarayso 11 ayaa laga sii daayey xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa iyadoo hadda lagu hayo mid kamid ah hotelada magaalada kahor inta aan lagu wareejin oday dhaqameed ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Mid kamid ah ehelka maxaabiista la sii daayey ayaa u xaqiijiyey HM in maxaabiista oo hadda kujira hotel kuyaalla Hargeysa loo diyaarinayo safar diyaaradeed oo ay ugu baxayaan magaalada Jigjiga oo looga sii gudbin doono magaalada Garoowe.

Maxaabiista la siidaayey ayaa waxaa kamid ah Taliye Aarsade, Cabdimudalib iyo xubno kale oo dhammaan ka soo jeeda deegaamada ka baxsan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn sida ila xogagaal ah xaqiijiyeen.

Siidaynta maxaabiistaan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dhowaan maamulka SSC KHATUMO sii daayey 25 kamid ah maxaabiistii dagaalka ee Somaliland looga qabtay dagaaladii gobolka Sool iyadoo lagu wareejiyey RW Somalia kahor inta aan loo gudbin Hargeysa.