Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootey tiro ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo…

Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootey tiro ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey rabshado 72-dii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo Somaliland ka arrimiso.
Rabshadahaan ayaa salka ku haya diidmada bandhigga buugga Xeerka Ciise oo ay dhawaan xukuumadda Somaliland fasaxday, iyadoo qaar kamid ah beelaha gobolku u arkaan mid sababaya dhul ballaarsi iyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaada deegaamadaasi.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doorto deegaamada xiisaddu ka taagan tahay ayaa xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Cirro dusha u saaray mas’uuliyadda wixii ka dhacay Boorama, wuxuuna sheegay in magaalada la geeyey ciidan Milatari ah oo dhibaateeyey bulshada deegaanka oo tabashooyin soo jireen ah qabta.
Docda kalena, xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kaah iyo Kulmiye ayaa xukuumadda Cirro ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiso xiisadda Boorama isla markaana aan awood ciidan loo adeegsan shacabka caraysan arrintana lagu dhammeeyo miiska wada xaajoodka.
“Reer Somaliland hadaynu nahay waxaynu ku soo cana maalnay waa nabad galyada, arrintaanna waa in lagu xalliyaa hab ka duwan dagaal iyo cudud ciidan”, Ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Kulimiye Maxamed Kaahin.
Dhankiisa guddoomiyaha xisbiga KAAH Maxamuud Xaashi ayaa dalbaday in la joojiyo bandhigga buugga xeerka Ciise,”Masuuliyada wixii halkaa ka xumaaday ee Gobolka Awdal hore Iyo dib waxaan dusha ka saaraynaa Xukuumadda, xeerka Ciise ee qabashadiisa saacadaha loo qabtayna waa in laga laabtaa oo dib loo dhigaa”.



