Xukuumadda Somaliland ayaa war ka soo saartay bayaan ka soo baxay qaar kamid ah dalalka caalamka…

Xukuumadda Somaliland ayaa war ka soo saartay bayaan ka soo baxay qaar kamid ah dalalka caalamka oo ku wajahnaa madax-banaanida dhuleed iyo dadeed ee Somalia, kadib markii Israel danjire u soo magacawday deegaamada maamulka Somaliland
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay si dhaw ula socdaan tallaabadaasi, haseyeeshee uusan qusayn oo ay yihiin dal madax-banaan oo ku dhisan mabaadii’ caalami ah tan iyo madax-banaanidii 1960.
“Waxaan nahay dal leh madax-bannaani buuxda, oo sharciyaddiisu ku dhisan tahay mabda’a sii-jiritaanka dawladnimo. Somaliland waxay xorriyaddeeda qaadatay 26 Juun 1960, waxayna heshay aqoonsi caalami ah. Kadib burburkii midowgii 1991, waxay dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii, iyadoo aan weli la dhammaystirin habraacyadii sharci ee caalamiga ah”, Somaliland oo ka jawaabtey bayaankii qaar kamid ah dalalka caalamka ee safiirka Israel u macawday Hargiesa.




