Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horaysay war rasmi ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay banaanbaxyadii…

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horaysay war rasmi ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay banaanbaxyadii rabshadaha watey ee dhawaan ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in 19 qof oo shacab ah ay ku dhinteen ilaa 214 kale-na ku dhaawacmeen banaan-baxyadii rabshadaha watey ee dhawaan ka dhacay Magaalada Boorama.
Rabashada Boorama ayaa u dhexeeyey ciidanka ammaanka Somaliland iyo shacab ka caraysan fasaxa bandhigga buugga Xeer Ciise oo xukuumaddu ogolaatay in lagu soo bandhigo magaalada Saylac.
Madaxweynaha Somaliland oo horay uga hadlay rabashadihii Boorama ayaa sheegay ku dheceen hanaan nasiib darro ah, wuxuuna balanqaaday inay qaadi doonaan mas’uuliyadda dhammaan khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi.



