Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo…

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran wadanka Hindiya, dhanka kalana qeybgalay dhageysiga fadhiga koowaad ee Maxkamadeyntooda.
Danjiraha oo safar shaqo ku joogey magaaladda Mumbai ee gobolka Maharashra ee Hindiya, ayaa xabsiga ku booqday 44 muwdiin Soomaaliyeed ah oo Ciidanka Ilaalada badda Hindiya ka qabteen badweynta Hindiya.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo muddo badan maxkamad sugayaal ahaa ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS waxaa lagu guuleystay in loo fariisto fadhiga koowaad ee Maxkamadda.
Inta badan muwaadiniintaan Soomaalyeed ayaa intooda badan loo haystaa falal burcad-badeednimo iyadoo lagu soo qabtay hawlgallo kala duwan oo ka dhacay biyaha caalamiga ah ee Badweynta India.





