Soomaali ku eedaysan inuu lacag lunsaday oo lagu xiray gudaha Maraykanka.

13 June, 2026

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay Saciid Cabdullaahi Ereg oo…

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay Saciid Cabdullaahi Ereg oo ah Soomaali muddo dheer loo baadi goobayey eedaha la xiriira musuqmaasuq lacageed.

Hay’adda FBI-da iyo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegay in Ereg uu 10-kii Juun si nabad ah isku soo dhiibay ciidamada ammaanka Mareykanka kadib markii magaciisa lagu daray liiska cusub ee “Most Wanted Fraudsters” ee dadka loogu raadinta badan yahay.

Maraykanka ayaa sheegay in Ereg uu lug lahaa qorshe lagu lunsaday in ka badan 4.2 milyan oo doolar oo ka tirsanaa barnaamijka quudinta carruurta ee dowladda Mareykanka xilligii cudurka COVID-19, lacagtaasi oo loogu talagalay carruurta u baahan gargaar cunto, gaar ahaan gobolka Minnesota.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ereg uu maamulayey dukaan iyo maqaaxi ku yaallay magaalada Minneapolis, kuwaas oo ku jiray barnaamijka “Feeding Our Future”, iyadoo owladda Mareykanka ayaa ku andacootay in xaruntaasi si been abuur ah u sheegtay inay malaayiin cunto ah siisay carruurta, si ay u hesho lacagaha dowladda.