Madaxweyne Xasan Sheekh Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni…

Madaxweyne Xasan Sheekh Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa markale ku ballansan xayndaabka Xalane ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Inkastoo uusan jirin is-afgarad laga gaarey kulamadii hore haddana waxaa jira rajo laga qabo in cadaadiska beesha caalamku dhinacyada ku khasbo inay heshiiyaan inta uusan shirku soo dhammaan.
Wakiilada beesha caalamka ayaa dhinacyada ku cadaadinaya inay heshiis gaaraan iyagoo u sheegay in haddii ay kala tagaan ay qaadi doonaan tallaabooyin aan farxad gelin doonin mustaqbalka Somalia.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay doonayaan doorashadii dadbanayd oo horumarin lagu sameeyo maadaama aysan jirin doorasho dadweyne oo lagu kalsoonaan karo.



