Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa heshiis is-afgarad la saxiixday dhiggiisa dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Golaha Qaranka, Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo horumarinta iskaashiga ku dhisan xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Qodobbada heshiiska ayaa diiradda saaraya horumarinta hannaanka sharci-dejinta, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, is-weydaarsiga khibradaha, qabashada tababarrada iyo cilmi-baarista sharciyeed, iyo casriyeynta hababka shaqo ee labada baarlamaan.

Sidoo kale, heshiiska ayaa dhigaya xoojinta wada-shaqaynta guddiyada joogtada ah, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah, sugidda amniga xogta, dhismaha kooxaha saaxiibtinimada baarlamaannada labada dal iyo isku-dubbaridka mowqifyada labada dhinac ee fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.

Horseed Media




