Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay hawlgalka AUSSOM

27 January, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar.

Kulamada labada dhinac ayaa ku saabsanaa qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM ee badalaya ATMIS.

Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan ​​si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya.