Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Masar…

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Masar Sarreeye Gaas Cabdulmajiid Saqar iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas. Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga militari iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Intii kulanka lagu jiray ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada tababarka qalabaynta iyo taageerada ciidamada iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda nabadda iyo xasilloonida gobolka. Masar ayaa lagu xusay inay door muuqda ku leedahay dedaallada lagu sugayo amniga iyo xasilinta gobolka Geeska Afrika.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato arrimaha amniga gobolka wuxuuna sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay wadaagaan aragti mideysan oo ku saabsan danaha istiraatiijiga ah iyo difaaca gobolka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya.
Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga Masar Sarreeye Gaas Cabdulmajiid Saqar ayaa muujiyay sida dalkiisu diyaar ugu yahay in uu si buuxda u taageero Soomaaliya. Waxa uu xusay in labada dal ay leeyihiin taariikh iyo xiriir soo jireen ah oo ku qotoma walaaltinimo iyo iskaashi istiraatiiji ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa shaaciyay in ciidamo ka tirsan militariga Masar ay dhawaan ka mid noqon doonaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taas oo muujinaysa sida uu dalkiisu uga go’an yahay taageeridda Soomaaliya iyo sugidda amniga guud ee gobolka.



