Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo…

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Safiirka JFS ee dalka Tansaaniya iyo EAC, ahna Danjiraha aan deegaanka ahayn ee Rwanda iyo dalalka kale, Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa maanta magaalada Kigali ku saxiixay Heshiis Iskaashi Guud oo uu la galay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Rwanda, Mudane Amb. Olivier Jean Patrick Nduhungirehe.
Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada: Diblomaasiyadda, Ganacsiga, Maalgashiga iyo Dhismaha awoodda hay’adaha dowliga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta danaha wadajirka ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi waara oo ku saleysan ixtiraam iyo dan wadaag.






