Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo lagu xoojinayo xiriirka labada dal

8 October, 2025

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qaybgalay shirkii 2-aad…

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qaybgalay shirkii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda, halkaas oo lagu kala saxiixday dhowr heshiis oo lagu horumarinayo xiriirka labada dal. Heshiisyadani ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya iyo Uganda.

Saddex ka mid ah heshiisyada la saxiixay ayaa ah isfahan (MoU) oo ku saabsan maamulka socdaalka, waxbarashada iyo isboortiska, iyo amniga labada dal. Heshiisyadan ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dowladood, iyadoo lagu wado in ay horseedaan iskaashi wax ku ool ah oo lagu taageerayo horumarinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa heshiisyadan u saxiixay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamse Aadan Xaadoow. Sidoo kale, waxaa goobta joogay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Fardowsa Maxamed Qanyare, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dal.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee labada dhinac, iyadoo madaxda ganacsatada iyo hay’adaha maalgashiga ay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee suurtagalka ah. Labada dowladood ayaa ku heshiiyay in la dardar geliyo maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo fududeynta isu socodka ganacsatada.

Ugu dambayntii, Soomaaliya iyo Uganda ayaa qorsheynaya inay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku saabsan shaqada, kaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha labada dal isla markaana lagu fududeynayo helidda shaqo sharci ah. Waxaa sidoo kale lagu ballamay in shirkan xigga ee Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qabto magaalada Muqdisho sanadka 2027.