Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay taageerada maaliyadeed ee lagu bixiyo Caafimaadka 2025

28 March, 2025

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo qeyb ka ahaa madaxdii ka qeyb gashay Shirka kobaca Nafaqada ayaa kulan duceed muhiim ah la qaatay Baroness Jenny Chapman Wasiirka Horminta Deeqaha Caalamiga ah ee dalka UK.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadley sidii loo horumarin lahaa Caafimaadka iyadoo la xoojinayo taageerada maaliyadeed ee lagu bixiyo Caafimaadka Soomaaliya.

Dr. Ali Haji, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay kaalmada Caalamiga ah ee arrimaha Caafimaadka iyo kuwa kale ee lagu bixiyo qeybaha kale, Wasiirka ayaa sidoo kale kala soo hadal qaadey sidii loo xojin lahaa wada shaqeynta labada dal, waxayna arrintan daba soctaa in Soomaaliya laga taageero qorshaha cusub ee Caafimaadka Qaran 2025-2029.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta iyo xal u helida Caafimaadka Soomaaliya iyada oo kaa shaneysa saaxiibada Caalamiga ah ee taageera Caafimaadka Soomaaliya si loo helo Caafimaad tayeysan oo dhameys ah islamarkaana laga heli karo goobkasta taasoo u jeedkeedu yahay in bulsho waynta Soomaaliyeed ku naalooto Caafimaad la heli karo goor kasta.

Horseed Media