Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka diplomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Wasiir Fiqi ayaa u sheegay dhigiisa rajada ay ka qabaan soo laabashada nabadda dalka Ukraine, waxay carabka ku adkeeyeen horumarinta danaha labada dal ee Ukraine iyo Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Andrii Sybiha ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada inay soo dhoweenayaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xiriir Diplomaasi la yeelato Dowladda dalkaasi Ukraine
“Waxaan uga mahadceliyey Soomaaliya taageerada ay siisay madax-bannaanida Ukraine iyo midnimada dhuleed,” ayuu yiri wasiir Andrii Sybiha.
Horseed Media