Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis iskaashi horumarineed…

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis iskaashi horumarineed oo qiimihiisu yahay in ka badan €75 milyan. Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Heshiiska cusub ayaa socon doona muddo labo sano ah oo ka bilaabanaysa sanadka 2026, isagoo diiradda saaraya mashaariicda horumarineed ee beeraha, waxbarashada, shaqo-abuurka, biyaha iyo adkaysiga cimilada. Barnaamijkan ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
Wadahadallada heshiiskan ayaa socday muddo laba maalmood ah, waxaana lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, iyadoo uu daba socdo heshiiskii hore ee ay labada dal kala saxiixdeen 2023. Wafdiga Jarmalka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida Soomaaliya ay horumar ugu sameyneyso qorsheyaasha dhaqaale iyo amni.
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax Beenebeene ayaa sheegay in iskaashigan uu xoojinayo mudnaanta dowladda ee shaqo-abuurka iyo adeegyada bulshada, isagoo uga mahadceliyay Jarmalka taageerada joogtada ah.
Dhankiisa Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka, Julia Hanning, ayaa sheegtay in dalkoodu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, maadaama labada dal uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo soo jiray in ka badan 60 sano.




