Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ka qeyb galay Shirka labaad ee Afrika-CARICOM oo ka socda…

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka ka qeyb galay Shirka labaad ee Afrika-CARICOM oo ka socda magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Shirkan oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka Afrika iyo waddamada ku bahoobay Caribbean-ka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, caddaaladda caalamiga ah iyo xalalka wadajirka ah ee caqabadaha soo wajaha labada dhinac.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka isagoo uga mahadceliyay martida loo yahay iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya dadaalkooda ku aaddan sidii Afrika iyo Caribbean-ku ay cod mideysan ugu yeelan lahaayeen arrimaha caalamka. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in dalalka labada dhinac ay yeeshaan mowqif isku mid ah oo ku saabsan caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo deegaan.
Wasiir Bashiir ayaa ku dheeraaday xiriirka taariikheed, dhaqameed iyo bulsho ee ka dhexeeya Afrika iyo Caribbean-ka isagoo tilmaamay in dadka Caribbean-ka ay yihiin qayb ka mid ah bulshada Afrika. Wuxuu ku celiyay hadalka Midowga Afrika oo Caribbean-ka ku tilmaamay “Qeybta Lixaad ee Midowga Afrika” taas oo muujinaysa isku xirnaanta qotada dheer ee labada dhinac.
Intii uu socday khudbaddiisa wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato xoojinta iskaashiga Afrika iyo CARICOM. Wuxuu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay ka qayb qaadashada mashaariic wadajir ah oo ku saabsan amniga, isbeddelka cimilada iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
Dhanka kale wasiirka ayaa ku baaqay in la xoojiyo xiriirka dhaqaale, dhaqameed iyo siyaasadeed ee labada dhinac taas oo fursad u siin karta Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika in ay si wadajir ah uga jawaabaan caqabadaha caalamka isla markaana ay abuuraan mustaqbal horumar leh oo ku dhisan iskaashi iyo isku duubni.



