Soomaaliya ayaa qaadaysa tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo amniga saaybarka, iyadoo xoogga la…

Soomaaliya ayaa qaadaysa tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo amniga saaybarka, iyadoo xoogga la saarayo dhisidda awoodaha aqooneed iyo kuwa farsamo ee ka hortagga halista dijitaalka ah. Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga xogta, isgaarsiinta iyo adeegyada teknoolojiyadda ee dalka.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda SIMAD, iyagoo kaashanaya Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, ayaa si rasmi ah u daah-furay Faraca Soomaaliya ee Xarunta Shahaadooyinka Caalamiga ee Amniga Saaybarka (Global Accredited Cybersecurity Education – ACE). Daah-furka ayaa ka dhacay SIMAD Town Campus, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin iyo khubaro ka kala socday dhinacyada iskaashanaya.
Hindisahan cusub ayaa ah mid istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo awoodda qaranka ee amniga saaybarka, iyadoo la adeegsanayo halbeegyo caalami ah iyo shahaadooyin xirfadeed oo si weyn loo aqoonsan yahay. Waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay qaab-dhismeedka Global ACE ee Soomaaliya iyo sida uu uga qeyb qaadan doono dhismaha xirfadlayaal tayo leh.
Maamulaha Guud ee Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudin Abdul Wahab, ayaa sheegay in dhismaha Cutubka Qaranka ee Soomaaliya uu muujinayo ballanqaad wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada amniga saaybarka, isaga oo xusay in Global ACE uu kor u qaadi doono tababarka iyo diyaargarowga xirfadlayaal leh aqoonsi caalami ah.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariim Muxyadiin, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka jaamacadda ee martigelinta iyo taageeridda Cutubka Qaranka ee Global ACE. Wuxuu xusay in barnaamijkan uu siin doono ardayda, xirfadlayaasha iyo khubarada amniga saaybarka fursado shahaado-bixin, tababbarro iyo kobcin awoodeed, taas oo gacan ka geysan doonta xoojinta amniga dijitaalka ah ee Soomaaliya.



