Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Todobaadka Biyaha ee Qaahira

18 October, 2025

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa hoggaamiyay wafdi ka…

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa hoggaamiyay wafdi ka qaybgalay Shirweynaha 8-aad ee Todobaadka Biyaha ee Qaahira 2025, oo looga hadlayay xalalka hal-abuurka leh ee adkeysiga cimilada iyo joogteynta biyaha.

Shirkan oo sanad walba la qabto ayaa isu keenay wasiirro, khubaro iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dalalka carabta iyo kuwa kale ee caalamka, si ay uga wada hadlaan maareynta biyaha iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay ka qayb galeen kulamo heer wasiir iyo farsamo ah, kuwaas oo lagu falanqeeyay horumarinta kheyraadka biyaha iyo iskaashiga dalalka jaamacadda carabta.

Soomaaliya ayaa shirka ku soo bandhigtay dadaallada ay waddo ee horumarinta kaabayaasha biyaha iyo qorshayaasha lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday guul, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga dalalka carabta ee dhinaca biyaha iyo cimilada, taas oo Soomaaliya u ahayd fursad muhiim ah oo lagu hormarinayo kheyraadkeeda dabiiciga ah.