Soomaaliya oo mamnuucday inay soo galaan muwaadiniinta Taiwan

30 April, 2025

Shiinaha ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, isagoo sheegay in Beijing ‘ay aad uga mahadcelinayso’ tallaabada uu qaaday waddanka Bariga Afrika.

Mamnuucidda Soomaaliya ee ku socodka iyo gelitaanka dhammaan dadka sita Baasaboorka Taiwan ayaa dhaqan galay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, oo ku eedaysay Shiinaha in uu ku cadaadinayo waddanka Bariga Afrika ku yaalla ee soo jeedinta tallaabooyinkan.

Wasaaradda jasiiradda iskeed u madaxbannaan, oo ay sheeganayso Shiinaha, ayaa sheegtay fiidnimadii Talaadada in hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ay ku wargelisay usbuucii hore siyaasadda cusub ee dhaqangashay Arbacadii.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay si adag uga dhiidhisay tallaabada Soomaaliya ay qaaday ee uu ku dhiirigelinayo Shiinaha ee lagu xaddidayo xorriyadda socdaalka iyo badbaadada muwaadiniinta Taiwan, waxayna ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah uga noqoto ogaysiiska,” ayaa lagu yidhi.

Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in Soomaaliya ay soo xigatay Qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2758, kaas oo 1971-kii ku baaqayay in dalalka xubnaha ka ah ay Beijing u arkaan “Wakiilada kaliya ee sharciga ah ee Shiinaha”.

Waxay “si adag u diidday oo si adag u cambaaraysay” “fasiraada khaldan” ee Soomaaliya ay ka bixisay Qaraarka Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedaysay Muqdisho inay u adeegsatay “in ay abuurto aragti been ah oo ah in Taiwan ay ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha”.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu sii xoogaysanayo xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland oo ah gobol ka go’ay Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse aan weli caalamka intiisa badan aqoonsan.

2020, labada ismaamul ayaa safaarado ka furtay caasimadaha midba midka kale, taasoo caro ka dhalisay Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa sheegay in go’aankan uu yahay tallaabo sharci ah oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, wuxuuna muujinayaa “in Soomaaliya ay si adag ugu hoggaansanto hal mabda’a ee Shiinaha”. Beijing “ay aad ugu mahadcelineyso” tillaabadan waxayna ballan qaadaysaa inay taageereyso sheegashada Muqdisho ee Somaliland, ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in Shiinuhu uu sidoo kale ka soo horjeedo “nooc kasta oo ah isweydaarsiga rasmiga ah” ee Taiwan iyo Somaliland.

Aqoonsiga xaddidan
Taiwan, iyadoo magaceeda rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Shiinaha, ayaa kursigii Qaramada Midoobay wayday 1971, sannad ka hor intii aan laga saarin Ururka Caafimaadka Adduunka.

In kasta oo 11 waddan iyo Vatican-ka ay si rasmi ah u aqoonsan yihiin Taiwan dawlad ahaan, qaar badan – oo uu ku jiro Mareykanka – waxay la leeyihiin xiriir dhow oo aan rasmi ahayn.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan qayb ka mid ah dhulkeeda, mana uusan meesha ka saarin in awood loo adeegsado in jasiiraddaasi la hoos geeyo.

Wakaaladda wararka ee Taiwan Focus Taiwan ayaa sheegtay in xannibaadda socdaalka Soomaaliya aysan u badneyn in ay saameyn weyn ku yeelato, iyadoo xustay in muwaadiniinta Taiwan ay dhif iyo naadir ku yimaadaan dalka.

Iyadoo soo xiganeysa xogta dowladda, waxay sheegtay in 16 safar oo kaliya ay muwaadiniin Taiwan ah ku tageen Soomaaliya intii u dhaxeysay 2016 iyo Febraayo ee sanadkan.