Soomaaliya Oo Markii Ugu Horeysay Soo Bandhigtay Adeegga E-VISA Dalku-galka.

28 August, 2025

Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay yeelanaysa E-VISA oo online ahaan lagu soo dalbanayo taas oo dalka…

Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay yeelanaysa E-VISA oo online ahaan lagu soo dalbanayo taas oo dalka lagu soo geli karo laga bilaabo 1-da September 2025. Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Fartaag ayaa daahfuray adeeggan casriga ah ee E-VISA/ETAS. Tallaabadan ayaa Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka isticmaala nidaamka elektaroonigga ah ee fiisooyinka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in fiisahan lagu dalban karo mareegta rasmiga ah ee hay’adda, Wasiir Fartaag wuxuu caddeeyay in nidaamka E-VISA uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka iyo la socodka dadka soo galaya. Waxa kale oo uu xusay in qidmada fiisaha si toos ah loogu shubi doono koontooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Cali Dhuxulow ayaa tilmaamay in E-VISA uu yahay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa in Soomaaliya la jaanqaadayso nidaamyada casriga ah ee caalamka. Waxa uu sheegay in nidaamkan uu ka caawin doono sugidda amniga, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha, iyo fududeynta adeegyada socdaalka.

Qaybo ka mid ah dadka ajaanibta ah ayaa laga dhaafay shuruudaha ETAS sida kuwa haysta fiisooyinka dhowr jeer lagu soo geli karo dalka, diblomaasiyiinta, iyo dadka leh baasaboorka UNLP. Agaasimaha ayaa caddeeyay in nidaamkan uu siin doono ajnabi kasta fursad uu dalku galka kaga dalban karo meel kasta oo uu jooggo.