Soomaaliya oo soo bandhigtay baasaboorka cusub ee la jaanqaadaya nidaamka Bulshada Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabo cusub ka qaaday hirgelinta ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaddib markii la soo bandhigay naqshadda baasaboorka cusub ee dalka oo lagu dhex daray astaamaha iyo aqoonsiga urur-goboleedka.

2 November, 2026

Naqshadda cusub ayaa ka tarjumaysa xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah EAC, iyadoo magaca East African Community lagu qoray qaybta sare ee jaldiga baasaboorka. Isbeddelkan ayaa qayb ka ah la jaanqaadidda dukumentiyada safarka ee dalalka ku mideysan ururka.

Sida xogta la shaaciyey muujinayso, baasaboorka cusub wuxuu yeelan doonaa saddex nooc oo kala ah baasaboorka caadiga ah, kan diblomaasiga ah iyo kan adeegga, kuwaas oo loogu talagalay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow), ayaa wareysi uu dhawaan siiyey BBC-da ku sheegay in qorshuhu yahay in nuqullada ugu horreeya ee baasaboorka cusub la bilaabo bixintooda horraanta bisha Diseembar ee sanadkan.

Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in dukumentiga cusub lagu dhisay hannaan casri ah oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah ee lagu qiimeeyo baasaboorrada, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada socdaalka dalka.

Hase yeeshee, weli ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan kharashka laga qaadi doono muwaadiniinta doonaya inay qaataan baasaboorka cusub. Sidoo kale, waxaa la sugayaa in hay’adaha dowladda ay soo bandhigaan habraacyada iyo shuruudaha lagu heli doono.

Soo bandhigista naqshaddan ayaa imanaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo la xiriira ka faa’iidaysiga fursadaha dhaqaale, ganacsi iyo isu-socod ee ka dhashay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika.

Horseed Media