Ugu yaraan 1,028 qof ayaa u dhintay hawada sii kululaaneysa ee dalka Spain iyadoo dalkaas uu ku jiro xilligii ugu kululaa ee intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Juun ee taariikhda la diiwaan galiyay.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in kulaylka xad dhaafka ah ee ka jira Yurub ay sabab u tahay isbeddelka cimilada Adduunka.
In ka badan kun qof ayaa u dhintay sababo la xiriira kulaylka intii lagu jiray hirarkii ugu dambeeyay ee kulaylka dalka Spain, sida ay saraakiishu sheegeen Arbacadii.
Machadka Caafimaadka ee Carlos III ee Spain ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in ugu yaraan 1,028 dhimasho oo la xiriira kulaylka la soo sheegay intii lagu jiray hirarkii kulaylka bishii hore.
Tiradani waxay ka badan tahay labanlaab 407 oo la diiwaan geliyay sanadkii hore 2025. Tani waxay sidoo kale ahayd dhimashadii ugu badnayd ee loo aaneeyo kulaylka tan iyo 2015.
23kii bishii Juun, xilligii ugu sarreeyay ee hirarka kulaylka, 35.7 milyan oo qof, oo ka kooban qiyaastii 73% dadka Spain, ayaa la kulmay khataro caafimaad.
Wakaaladda cimilada qaranka ee Spain Aemet ayaa qoraal ay soo dhigtay X ku sheegtay in bishii hore ay ahayd bishii labaad ee ugu kululayd.
“Qeybtii hore ee 2026 waxay noqoneysaa tii ugu kululeyd guud ahaan Spain tan iyo markii diiwaangelinta la bilaabay, iyadoo heerkulku uu ahaa 1.6 darajo Celsius oo ka sarreeya heerka caadiga ah,” ayey tiri Aemet.




