16 May, 2025
Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa si adag uga hadlay dibadbaxyo dad ku dhinteen…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa si adag uga hadlay dibadbaxyo dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Dibadbaxyadaan oo shacab caraysan ku dalbanayeen in xukuumaddu ka shaqayso soo daynta maxaabiista ku xiran xabsiyada magaalada Laascaanood ayaa Cirro ku tacsiyeeyey cid walba oo wax ku noqotay, wuxuuna sheegay inay wadaan qorshe lagu siidaynayo maxaabiista u kala xiran labada dhinac.