Maamulka SSC KHATUMO ayaa sheegay inuusan faraha ka sii laaban doonin xaaladda magaalada Ceerigaabo ee gobolka…

Maamulka SSC KHATUMO ayaa sheegay inuusan faraha ka sii laaban doonin xaaladda magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, oo ay muddo ka aloosnayd xiisad u dhexaysa Somaliland iyo SSC KHATUMO.
Hoggaamiye ku-xigeenka SSC-Khaatumo Dr. Mohamed Abdi Ismail Shiine oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay waajib ku tahay maamulkiisa sidii shacabku nabad dhulkooda ugu noolaan lahaayeen iyagoo aan loogu goodin calan cidkale leedahay.
“Ceerigaabo la’aan waa KHATUMO la’aan, waxa waajibka ah waxa weeye in wixii cudud, ciidan iyo calaf lahayo loo diro Ceerigaabo ayna dadkeedu ku noolaadaan iyagoo calankooda harsanayaan”, Ayuu yiri hoggaamiye Shiine.
Markale ayuu sheegay,”Sida ugu dhaqsaha badan oo ugu macquulsan ayaa loo geli doonaa, waxaan rajaynayaa sidii loogu midoobey Laascaanood in laga kiciyo cadawga ayaa Ceerigaabana loogu midoobi doonaa”.