SSC KHATUMO oo ka hadashay gabdho walaala ah oo kufsi loogu geystey Laascaanood.

Duqa degmada Laascaanood ee xarunta Maamulka SSC KHATUMO ayaa ka hadlay dibadbaxyo caddaalad loogu dalbayo gabdho…

18 June, 2025

Duqa degmada Laascaanood ee xarunta Maamulka SSC KHATUMO ayaa ka hadlay dibadbaxyo caddaalad loogu dalbayo gabdho kufsi loogu geystey degmada Laascaanood.

Maayarka degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in labadaasi gabdhood ay caddaalad heli doonaan ayna arrintaasi kujiraan hay’adaha ku shaqada leh ee dowladda.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka magaalada inay isdejiyaan aysanna jiri doonin dibadbaxyo dambe, isagoo intaasi ku daray in sarkaalkii qaar kamid ah eedaysanayaasha kufsiga u ogolaaday imtixaanka ay la xisaabtami doonaan.